Amisom oo Sheegtay in Furamaha Dagaalka ay Ugu Soo Baxeyn Si ay u Difaacaan Jawaari!

0

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, Ku-xigeenkiisa Labaad Mahad Cabdala Cawad, iyo Xildhibaano  taageersan ayaa  kulan waxa ay la qaateen taliyaha Ciidamadda AMISOM Paul Lokech.

Kulankaan ayaa loogu hadlay qalalaasihii maanta ka dhacay xarunta Golaha shacabka.

Taliyaha Ciidamadda Amisom ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay masuuliyad ka saarantahay iney Gaashaan unoqdaan Jawaari maadaama uu yahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya,islamarkaana ay furamaha dagaalka ugu soo baxeyn.

Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta lagu waday in lagu qabto kulan labo ajendo loogu doodi lahaa, balse waxaa gabi-ahaanba la wareegay xarunta Ciidamo taabacsan gudoomiyaha Golaha Shacabka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here