Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in xarunta Golaha Shacabka ay ku yeeshaan labo kulan oo iska soo horjeeda.
Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya C/wali Shiikh Ibraahim Muudey ayaa shaaciyay in ajandaha kulanka maanta uu yahay ka doodista Mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.
Gudoomiye Jawaari ayaa dhankiisa iclaamiyay kulan ay maanta yeelanayaan Xildhibaanada ugana doodi doonaan darbiga Kenya ka dhiseyso Degmadda Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.
Dhanka kale Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa xilli hore oo saaka ah gaaray Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanadan ayaa sheegay inay hadda tiradooda ay gaareyso illaa 120 Xildhibaan, islamarkaana isla maanta ay kalsoonida kala noqon doonaan Gudoomiye Jawaari.
Dhanka kale Xildhibaanadda Difaacaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari ayaa gaaray Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka iyo wadooyinka Magaaladda Muqdisho ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya ciidamo kala duwan oo dowladda ka tirsan.

