Ciidamada difaaca ee dalka Uganda ayaa sheegay in weerarkii shalay ka dhacay gobolka shabeelada hoose ay ku dileen ilaa 22 katirsanaa xarakada Al-Shabab, oo weeraro ku soo qaaday fariisimo ay uga sugnaayeen ciidamada Amisom.
Shalay ayay aheyd markii qaar katirsan xarakada Al-Shabaab ay weeraro ku qaadeen Degmooyin hoostaga Gobolka Shabeelada Hoose sida Degmooyinka Qoryooley, Buulo Mareer, iyo Golwayn.
Afhayeen u hadlay ciidamada difaaca ee dalka Ugandha ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dileen ilaa iyo 22 dagaalame oo Al-shabaab katirsanaa, asagoona sheegay in ay burburiyeen illaa 8 Gaari oo ay wateen Al-shabaab, kuwaas oo laba kamid ah ay ka buuxeen qaraxyo.
Afhayeenka u hadlay ciidamada difaaca ee dalka Ugandha ayaa sidoo kale ku sheegay khasaaraha dhankooda kasoo gaaray weerarkaas in uu yahay 4 askari oo kaga dhimatay iyo dhaawaca 6 asakri oo kale.
War kasoo baxay shalay dhanka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in tirada ciidamada Amisom, ay weerarkaas kaga dileen in ay tahay 59 askari, oo u badan kuwa Ugandha.
Weerarada xarakada Al-Shabaab, ay la beegsanayeen fariisimaha ciidamada Amisom, ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay sii xoogeystay ayadoona la ogsoon yahay in weerarkii xarakada Al-Shbaab, ay ku qaadeen horaantii bishii Maarso Degmada Balcad ay ku sheegteen in ay ku dileen illaa iyo 60 asakari oo Amisom katirsanaa.

