Kooxo hubeysnaa ayaa caawa agagaarka Shaleemo Cabdi Waayeel degmada Hilliwaa ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Haweeney ka tirsaneyd Ururka Haweenka Degmadaasi.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, ragga dilka fuliyay ayaa gaarayay Labo ruux waxayna Haweeneyda ka toogteen qeybaha sare ee jirka.
Kooxihii ka dambeeyay dilka haweeneyda ayaa goobta isaga baxsaday,waxaan goobta gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya.
Mudooyinkii dambe waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya kusoo batay dilalka qorshaysan,iyadoo Xalay Degmadda Xamar weyne ee Gobolka banaadir Lagu dilay Mas’uul ka Tirsanaa Maamulka Degmadaas.

