Dab Khasaaro Hantiyadeed geystay ayaa galabta ka kacay Baqaar Ku yaala wadada jid mareexan gaar ahaan kasoo horjeedka hoteel shaam.
Baqaarka ayaa la sheegay in inta badan alaabta guduhiisa Ku jirtay ay gubatay.
Gawaarida dab damiska shirkadda Hormuud iyo kuwa maamulka gobolka banaadir oo goobta gaaray ayaa ku guuleystay daminta dabka.





