Weerar Loo Adeegsaday Qaraxyo Ismiidaamin Ah oo ka Socdo Degmada Buula-Mareer

0

Wararka naga soo gaaraya degmada buula-mareer ayaa ku waramaya in weerar loo adeegsaday qaraxyo ismiidaamin ah lagu qaaday saldhiga ugu weyn ee ciidamada Amisom gar ahaan askarta dowladda ugandha ay ku leeyihiin degmada Buula-mareer ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Goobgoogayaal ayaa Simba u sheegay iney maqlayaan weerar culus oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan laguna qaaday fariisimo ciidamada Amisom ay ku leeyihiin degmada Buulamareer.

Wararka hor dhac ah ee kasoo baxa dagaalka ayaa ku waramaya in in iminka uu yahay mid socda, labada dhinacna aysan isku reebaneynin waxii karaan kooda ah oo ay awoodaan, lakin aan la ogaan Karin cadadka khasaaraha rasmiga ee kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo shacabka ku dhaqan degmada.

dadka deegaanka oo xiriiro ay la sameysay Warbaahinta Simba ayaa sheegay iney baga dhulka ku hayaan, cabsi xoogana ay dareemayaan, maadama dagaalka la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan, ayna awoodin iney isaga baxaan guda magaalada Buula-mareer ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Buulamareer oo ku aadan sida wax ay u jiraan iyo iney dagaalka ka qeyb qaadanayaan ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha magaaladaasi.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay iney ciidamada gaarka ee xarakada ay ka dhax dagaalamayaan saldhig weyn oo ciidamada dowladda Ugandha ay ku leeyihiin buulamareer. In kasto warka lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab lagu sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka.

Waxii kusoo kordha cida dagaalka ku gacan sareysa iyo khasaaraha dhinacyada dagaalamaya, iyo wax yeelada kasoo gaartay dadka shacabka ah ee  ku sugan degmada Buula-mareer ee Gobalka Sh/Hoose.

Waxi kusoo Kordha Dagaalka kala Soco WWW.SimbaNews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here