Jawaari oo Laga Dalbaday in uu Aqbalo In Mooshinka Codka Loo Qaado+Dhageyso

0

Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim) oo la hadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay  in loo baahan yahay in Barlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya uu qaato go’aan kasta oo ay ku samata bixinayaan Shacabka Soomaaliyeed oo dowladnimada u ooman.

Barlamaanka Dowlada Federaalka waxa uu xiligan leeyahay awooda dalka, iyaga ayaa ka yimid  gobolada dalka ummadana matala waa in ay qaataan  mowqif ay ku badbaadinayaan ummada Soomaaliyeed ayuu yiri  doplamaasi Caalin.

Waxa uu intaas warkiisa ku daray aqoonyahankaan in ay muuqanayso, rajo xumo xaga siyaasada dalka ee mustaqbalka sidaa darteeda muhiim ay tahay in  laga fakaro wadadii lagu badbaadin lahaa aayaha dalka.

Shacabka ma kala jecla Farmaajo,Kheyre, iyo Jawaari, ee waxay jecelyihiin horumarka  Soomaaliya  ardayda oo wax barasho adeysa  cisbitaalada oo shaqeynaya dadka oo amni helay oo beerahooda tacbaday anaga dowladnimo ayaan rabnaa ee nin xilkiisa waxba nagama galin ayuu wareysigiisa ku sheegay aqoonyahanka Caalin oo kunool Finland”,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here