Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim) oo la hadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in Barlamaanka Dowladda Federaalka Soomaliya uu qaato go’aan kasta oo ay ku samata bixinayaan Shacabka Soomaaliyeed oo dowladnimada u ooman.
“Barlamaanka Dowlada Federaalka waxa uu xiligan leeyahay awooda dalka, iyaga ayaa ka yimid gobolada dalka ummadana matala waa in ay qaataan mowqif ay ku badbaadinayaan ummada Soomaaliyeed” ayuu yiri doplamaasi Caalin.
Waxa uu intaas warkiisa ku daray aqoonyahankaan in ay muuqanayso, rajo xumo xaga siyaasada dalka ee mustaqbalka sidaa darteeda muhiim ay tahay in laga fakaro wadadii lagu badbaadin lahaa aayaha dalka.
“Shacabka ma kala jecla Farmaajo,Kheyre, iyo Jawaari, ee waxay jecelyihiin horumarka Soomaaliya ardayda oo wax barasho adeysa cisbitaalada oo shaqeynaya dadka oo amni helay oo beerahooda tacbaday anaga dowladnimo ayaan rabnaa ee nin xilkiisa waxba nagama galin ayuu wareysigiisa ku sheegay aqoonyahanka Caalin oo kunool Finland”,

