Maraykanka oo Duqeyn ku Dilay Saraakiil ka tirsanaa Al-Qaacidda

0

howlgalka ciidanka gaarka Mareykanka ee Africom ayaa sheegay inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku dileen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Qaacidda qaybteeda Waqooyiga iyo G/Afrika.

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Africom ayaa sheegay inay dileen Musa Abu Dawud iyo Sarkaal kale, xilli ay ku sugnaayeen meel u dhow degaanka Ubar oo ku taalla Koonfurta Galbeed Dalka Liibiya ,halkaasoo ayan Dowladdu maamulin, marin iyo fariisina ay u tahay Alqaacidda ka dagaalanta halkaasi

Abu Dawud, ayaa Al-Qaacidda u qaabbilsanaa tababarka ciidamada iyo qorista xubnaha cusub ee Al-Qaaciddada waddamada Maqrib ee AQIM loo yaqaan, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay inuu howl-gallo badan ka fulyay waddamada deriska la ah Liibiya ee Aljeeriya iyo Tuniisiya.

Weerarkan oo qayb ka ah duullaamada lagu wiiqayo ururada kala duwan ee Dowladda Liibiya kasoo horjeeda ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ku bartilmaameedsadaan Sarkaal ka tirsana Al-Qaacidda, walow uu mareynka inta badan Soomaaliya ku bartimaameedsado faraca Alqaacidda ee Soomaaliya loona yaqaan xoogaga Xarakada Al-shabaab.

Isha/ The Times

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here