Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland ayaa sheegay in dacwadda Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay aysan ahayn mid joojinaysa heshiisyada ay Somaliland gashay.
Sacad Cali Shire oo wareysi siiyay warbaahinta aya waxaa uu kaga hadlay arrimo la xidhiidha maamulka hawada iyo warka kasoo yeeray dowladda soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire wuxuu kaloo ka hadlayaa xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee deegaannadooda ka hawlgala.
Wasiirku waxa uu ka jawaabayaa marka hore sida ay Somaliland u aragto dacwaddii Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee la xidhiidhay arrinta saldhigga milateri ee Imaaraadku ka dhisanayo Berbera, iyo maalgashiga DP World ee deeganada maamulkaasi Somaliland.
Halka Hoose Ka Dhageyso Codka Wasiirka arrimaha dibadda Somaaliland Sacad Cali Shire

