Iyadoo kulan xalay ay magaalada muqdisho kulan ku yeesheen xildhibaanada taageersan gudoomiye Jawaari ayna sheegeen inuu dhacay waqtigii cod ka kalsoonida loo qaadi lahaa Mooshinka ka dhanka ah gudoomiyaha baarlaanka soomaaliya.
waxaa arintaasi kasoo horjeestay xildhibaanadii mooshinka ka keenay Jawaari Kuwaasi oo sheegay in wali mooshinku uu taagan yahay ayna sugayaan 31 bishaan maarso.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey uu cayimay in codka kalsoonida looo qaado Mudane Jawaari.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah xildhibaanada mooshinka ka geeyay gudoomiyaha Baarlamaanka oo Idaacada Simba la hadlay ayaa xildhibaanada taageersan Jawaari ku tilmaamay Kuwo xiiso u qaba in warbaahinta ay ka hadlaan si uu magacoodu ugu baaho bulshada dhexdeeda u barato.
Jeesoow ayaa sidoo kale waxa uu beeniyay iney jiraan qaar kamid ah xildhibaanadii mooshinka saxiixay oo ka laabtay wuxuuna sheegay in tastuurka iyo xeer hoosaadka aysan ogoleyn in mooshin mar la saxiixay uu qof ka laabto iyadoo aan la horgeyn golaha shacabka
Halka Hoose ka Dhageyso Codka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow

