Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee dowladd Gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay arimaha muranka ka taagan Darbiga laga dhisayo inta u dhexeeysa Mandheera iyo Baladxaawo, isagoo xusay in arrintan ay tahay mid u taal madaxda labada dal, loona baahan yahay in shacabka ay is dajiyaan oo ay ka war sugaan Madaxdooda.
Madaxweyne kuxigeenka Jubb-land ayaa sheegay in shacabka ay isku dareen ka yihiin arinta Xuduudda.
Waxa uu xusay in dabayaaqada sanadii tagtay madaxda heer dowlad goboleed iyo heer federaal ay booqdeen goobta laga dhisayo darbiga, isagoo sheegay in dowladdu arintaasi ay ahayd in ay guddi u saarto oo ay kala hadasho Kenya, isagoo sheegay in arrinta ay hadda meel wanaagsan mareyso, lana dhameyn doono.
Sida laga soo xigtay madaxtooyada Soomaaliya, madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Soomaaiya ayaa kawada hadlay arinta ku saabsan darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya, waxaa ay dowladdu sheegtay in la hakiyay dhismaha darbigaasi.

