Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Turkiga war kasoo baxay ayaa lagu cambaareeyay qaraxii ugu dambeeyay ee caasimadda muqdisho ka dhacay 25’kii bishan oo ku began maalinnimadii Axadda.
Qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay Caasimadda Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay meel aanan sidaas uga fogeen xarunta baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Isgoyska Sayidka.
Qaraxaas oo loo adeegsaday Baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa ku geeriyooday illaa iyo 4’ruux, inkastoo Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaas ay sheegteen in ay ku dileen illaa iyo 13 askari oo ay kamid ahaayeen saraakiil katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
“Dowladda Turkigu waxa ay si adag u cambaareynaysaa qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhacay caasimadda Muqdisho, ayadoona tacsi u dirayso dhamaan Eheladii ay ka baxeen dadkii qaraxaas ku geeriyooday, waxaana sidoo kale dowladda Turkigu u rajeesay inta qaraxaas ku dhaawacantay in si dhaqsi leh ay u bosoodaan, ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Turkiga.
Ayadoo Muqdisho wajahayso qaraxyo waa wayn oo is xig xiga ayaa haddana dowladda Turkidu ay ka go’antahy in ay sii wado dadaalada ay ku garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si looga adkaado kooxaha ka soo horjeeda dowladnimada Soomaaliya, ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Xarakada Al-Shabaab ayaa baryihii dambe xoojisay weerarada ay ka geesanayaan qaybo fara badan oo gudaha dalka kamid ah gaar ahaan caasimadda Muqdisho, xilli madaxda laamaha amaanka ee dowladdu ay ku cel celiyaan in wax muuqdo ay ka qaban doonaan sugida amniga Caasimadda.

