Cawad:-“Muudey Waxa uu Wadaa Waxa Loo Yaqaano Jamhadeyn”,+Dhageyso

0

Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad ayaa ku eedeeyay Abdiwali Shiikh Ibraahim Muudey gudoomiye ku xigeenka 1-aad, in uu wado waxa loo yaqaano Jamhadeyn.

Waxa uu sheegay in qoraalka uu soo saaray muudey, uu jabiyay  sharcigii u yaalay golaha shacabka, islamarkaana qoraalkiisa aysan ka war heynin guddoonka.

Shalay Abdiwali Shiikh Ibraahim Muudey gudoomiye ku xigeenka 1-aad ayaa soo saaray qoraal uu ku cadeynayo xiliga uu dhacayo Kulanka mooshinka Gudoomiye Jawaari.

Murankii u dhexeeyey Baarlamanka Soomaaliya ayaa shaley waxa uu galey dagaal adag oo dhanka waraaqaha ah oo dhex marayey hay’adihii ugu sareeyey dowlada Soomaaliya.

Qoraalkii ugu horeeyey waxaa soo saarey gudiga baaritaanka qilaafkan uu u saaray Aqalka Sare ee Baarlamanka, kaasoo faraayey gudoonka baarlamanka in loo hogaansamo dastuurka iyo sida uu qabo oo mudo 10 cisho gudaheed ah lagu horkeeno Baarlamanka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here