Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulka Jubba-land ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan Degmadda Balad-xaawo, iyo dhismaha darbiga Dowladda Kenya ay dib u bilowday.
Maxamad Muxumad Maxamad Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay Dowladda Soomaaliya u xilsaartay in 27-ka bishaan uu la kulmo wafdi ka socda Dowladda Kenya si loo hakiyo dhismaha darbiga.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in shalay ay Qadka taleefanka kuwada hadleen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana ay kawada hadleen in loo joojiyo dhismaha darbiga.
Sidoo kale Gudoomiyaha waxa uu sheegay in Maamulka Labadda dhinac loo xilsaaray in ay fadhi ka yeeshaan talaadada soo socota.
Shacabka ku dhaqan Magaaladda Beledxaawo ayaa sameeyay dibad bax maalmihii dambe ay uga soo horjeedaan tallaabooyinka Dowladda Kenya.
Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Kenya ayaa dhul boob xooggan ka waday Beledxaawo, iyagoo gudaha u soo galay degmadaas, si ay u dhameystiraan darbiga ay ka dhisayaan xuduud beenaadka, waxaana ay soo galeen xaafado ka tirsan Beledxaawo oo au bur buriyeen.

