Faah-faahin Ku Saabsan Qaraxa Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo galabta ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Kontoroolka Ciidanka Koofi guduuda ay ku leeyihiin Isgoyska Sayidka Magaaladda Muqdisho, oo ku dhaw xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Gaari nuuca raaxada ah ayaa la sheegay in uu ahaa gaariga qarxay, islamarkaana uu kamid ahaa gawaarida ay baarayeen Ciidamadda Dowladda Soomaliya ee safka ku jirey.

Inta la xaqiijiyay 2-qof ayaa ku dhimatay tiro kalana way ku dhaawaceen qaraxa ka dhacay Isgoyska Sayidka Magaaladda Muqdisho, inkastoo tirada ay sii badan karto.

Sidoo kale waxaa goobta ku gubanayo gawaarida loo yaqaaano mooto bajaajka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here