Faah-faahin:-Qarax ka Dhacay Duleedka Magaaladad Muqdisho+Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaaladda Muqdisho.

Gaarigan oo ahaa nooca raaxada ayaa ku socday waddo qarda-jeex ah oo u dhexeysa degaanka Siinka dheer ee Gobolka Shabeellada hoose iyo Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Gaarigani ay ku raad-joogeen Ciidanka ka how-gala deegaanka Siinka-dheer, taasoo suurto gelisay inay Gacanta ku dhigaan laamaha ammaanka.

Sarkaalkan ayaa intaa ku daray inuu qaraxu dhacay xilli ay Ciidanka ammaanka ay ku gudo jireen baarista Gaarigan laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay Qaraxaasi, kuwaasoo oo la sheegay in la socdeen gaariga Qarxay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here