Dowladda Soomaaliya oo Balan Qaad u Fidisay Dadkii Ku Wax-yeeloobay Qaraxii Muqdisho

0

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayrre ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday  qaraxi ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye ee magaalada muqdisho.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho” ayuu yiri R/wasaaraha dalka.

“kuwa aan la dagaallameyno waa mid caaddeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay ka mid tahay midda maanta dhacday.” ayuu yiri R/wasaare Khayre.

R/wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu Alle bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daranyahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here