Xildhibaanada Maamulka Koonfurgalbeed oo dhawaantaan lagu dhaariyey Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah Maamulkaasi ayaa la filayaa in Maalinta Barri ah oo sabti ah ay doortaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya.
Xildhibaan C/llaahi Isxaaq Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya oo la hadlay Radio Simba ayaa ka Warbixiyey diyaar garoowga Xildhibaanada Baarlamaanku ay ugu jiraan doorashada Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Mamulkaasi.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in araaji qabashada Musharaxiinta doonaysa in ay u tartamaan hoggaanka Sare ee baarlamaanka Maamulkaasi ay ku egtahay Maanta oo jimco ah islamarkaana barri oo sabti ah ay musharaxiintu Baarlamaanka ka horjeedindoonaan qudbadohooda kadibna la gudagalidoono doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.
Waxaa uu inta ku daray isagoo sii hadlaya in ay rajaynayaan in Xildhibaanadu ay doorandoonaan Shaqsi ku haboon hogaaminta Baarlamaanka Maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya.
02-01-2016 oo barri ayaa Magaalada baydhaba waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfurgalbeed,Waxaana ilaa iyo hadda jira dhawr Musharaxiin ah oo iyagu isku soo taagay qabashada jagadaasi.
Halkaan ka dhageyso Codka.

