Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir maareeye oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in sharciga xeerka saxaafada Soomaliya oo dhawaan Baarlamanka Soomaliya ay ansixiyeen ka dhaqangalinta gobolada dalka ee aysan dowladdu maamulin ay kala hadleen Madaxda Warfaafinta ee Maamul goboleedyada dalka ka jira.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay horaan in Sharciga xeerka Saxaafaddu uu Wada Saameyndoono dhammaamba qeybaha kala duwan ee warbaahinta ku hadasha Afka Soomaaliga.
Wasiirka Warfaafinta xukuumada soomaliya aya ka hadlay qaabka iyo nidaamka uu ugu shaqeeynayo sharcigaan deeganada ay ka arimiyaan maamul goboleeydyada dalka kajira isagoo sheegay inta an lasameeyn sharciga kahor ay kala tashteyn wasaradaha warfaafineeyd ee maamul goboleeydyada dalka
Waxaana uu sheegay iney isku afgarteyn shrcigan sidi deeganadooda loogu dhaqmi lahaa.
Hadalka Wasiirka Warfaafinta aya waxa uu imaanya xili maalin ka hor oo uu sheegay in xeerka saxafadda ay kuwada dhaqmi donaan warbaahinada kala duwan ee Gudaha Wadanka soomaliya kajira islamarkaana Sharcigu uu saameyndoono Wariyayaasha iyo Warbaahinada Ka Howlgala gobolada ay Mamulaan Maamulgoboleedyada dalka ka Jira.
Halkaan ka dhageyso:-

