Wararka war qabadka Idaacada Simba ee magaalada muqdisho uu ka helayo wasaarada arimaha gudaha maamulka Hirshabelle ayaa ku waramaya in shaqadii laga hakiyay Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle gudoomiyaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wasaarad arimaha gudaha Hirshabelle ayaa la sheegay iney u dirtay waraaqad shaqada looga joojinayo, gudoomiyaha maamulka ugu magacaaban magaalada Magaalada Baladweyne ee gobalka hiiraan.
Mas’uuliyiin katirsan Hirshabelle ayaa Radio Simba u xaqiijiyay in shaqada laga joojiyay Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle gudoomiyaha degmada Baladweyne, inkastoo aysan inoo xaqiijin sababaha ka danbeeya shaqada in laga jooojiyo Cali Dhuux gudoomiyaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha Magaalada Baladweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo Warbaahinta Simba ay xiriiro la sameysay ayaa inoo suura galin in uu ka jawaabo talefonadii aynu kala xiriirnay, si aan wax kaga weydino shaqa joojinta la sheegay iney ku sameysay Wasaarad arimaha gudaha maamul gobaleedka Hirshabelle.
- WWW.SimbaNews.com

