Xalay waxaa Magaalada Garoowe ee xarunta mamul gobaleedka Puntland ku geeriyooday Garyaqaankii guud ee Puntland Maxamed Muuse Ismaaciil.
Maxamed Muuse Ismaaciil ayaa mudooyinkii udambeeyay ku xanuunsanayay Isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe, halkaas oo xaladiisa Caafimaad lagula lagula tacaalayay.
Xiriiro Simba ay la sameysay ehelada marxuum Garyaan Maxamed ayaa inoo xaqiijiyay geerida garyaqaankii guud ee maamulka Puntland, inuu u geeriyooday xanuuna kala duwan oo hayay mudooyinkii danbe, kaa oo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayay Isbitaalka weyn ee Magalada Garoowe.
Geerida Garyaan Maxamed Muus ayaa waxaa maanta si weyn looga hadal hayaa gudaha Magaalada Garoowe, waxaana sido kale ka tacsiyeeyay oo aad uga naxay dadbadan oo isgu jira Siyaasiyiin , Aqoonyahano , Xildhibaano iyo Xubno katirsan golaha wasiirada ee maamulka Puntland.
Waxaa lagu wadaa maanta in meydka garyaqaanka lagu aaso deegaano katirsan maamulka Puntland, ayna kasoo qeyb galaan janaasarada maraxuumka, masuuliyiin katirsan maamul gobaleedka Puntland.

