Maxaa Loo Adeegsaday Qaraxii Shalay ka Dhacay Muqdisho Mooto Mise Gaari Iyo Khasaaraha oo Sii koradhay

0

Ugu yaraan 17 qof aya ku dhimatay Tirada guud dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay qarax Khamiistii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Wasaarada amniga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada qarixii shalay wuxuuna ku sheegay ilaa 17 ruux halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen kuwaas oo haatan lagu dabiibayo xaruumaha caafimaadka ee ku yaal gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Wararkii hore ee  soo baxay maalintii shalay ayaa lagu sheegay in qaraxaasi loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, balse waxay dowladu baaritaano ay sameysay ku ogaatay in qaraxaasi loo adeegsaday Mooto Bajaaj la dhigay Wadada dhinaceeda waxayna dowladu ay sheegtay in dhamaan dadkii ku wax noqday qaraxaasi ay ahaayeen dad shacab ah oo aysan jirin masuul dowladeed oo ku wax noqday sida Wasaarada amnigta ay sheegtay

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa oo ay sheegtay iney ku bartil-mameedsatay  isku imaatin ay ku sugnaayeen saraakiil Ciidan.xildhibaanno iyo siyaasiyiin katirsan dowladda Federaalka, sida lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab.

Al Shabaab waxay sheegtay in qaraxu uu sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray saraakiishii bartilmaameedka ahaa. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xogaga Al Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here