Dagaal Beeleed Qasaare geystay oo ka Socda Duleedka Magaalada Baladweyn.

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in duleedka Magaaladaasi uu ka socdo Dagaal u dhexeeya Laba Maleseshiyo beeleed oo ka mida beelaha Wada daga gobolkaasi.

Dagaalka oo Socda Maalinkii labaad ayaa ka socda Deegaanno dhaca Miiga Magaalada Baladweyn gaar ahaan Deegaan la yiraahdo Buq-qoosaar oo dhawr KM duleedka kaga beegan Baladweyn,waxaana la xaqiijiyey in beelahan dagaalamaya dhawaan lagu heshiisiiyey Magaala Xarumeedka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku sababay qasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya Waloow aan la ogeyn inta uu le’egyahay Maadaama uu wali socdo dagaalku,Dadka Waxyeeladu ay gaadhay waxaa ku jira ayaa dad rayid ah oon waxba galabsan kuwaasi oo uu dagaalku ku saameeyey goobihii ay daganaayeen.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in ay codsanayaan in si dag dag ah dagaalka loo joojiyo wada-hadalna lagu badalo dagaalka dhaxmaraya beelahaas walaalaha ah ee dagaalamaya.

Dhawaan ayaa waxaa beelahaan oo horay u dagaalamay dowladdu ay u dirtay Wafdi kuwaasi oo ugu dambeyn sheegay in ay heshiisiiyeen beelahaas balse isbuucyo kadib ayaa mar kale dagaalkii uu dib u qarxay halkaasina sida muuqata waxaa ku burburtay xabad joojintii lakala dhax dhigay,Dhawr Mar ayuu soo noqnoqday dagaalka u dhexeeya labadan beelood oo ah beelo wada daga gobolka hiiraan degmooyin badan oo kamida.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here