Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay qarax galabta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/casiis Cali ibraahim Xildhibaan ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyay Ninkii naftii halige ahaa islamarkaana uu ku laayay dad shacab ahaa oo ku ganacsanayay kasoo horjeedka hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 14-ruux, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 6-kale, dhamaana ay ahaayeen dad shacab ahaa.
“Waxaan idin xaqiijinayaa in qaraxa ka dhacay kasoo horjeedka Hoteelka ay ku dhinteen 14-ruux oo shacab ahaa, waxaa ka dambeeyay qaraxa Al-shabaab oo u taagan leynta shacabka Soomaliyeed”, ayuu yiri Xildhibaan.
Wuxuu sheegay afhayeenka Sidoo kale in weli Hay’adaha ammanaka ay wadaan baaritaano dheeraad ah ayna soo bandhigi doonaan.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaliya ay gurmad u sameysay dadkii ku dhaawacmay qaraxa kuwaasi oo la geeyay goobaha caafimaafka magaalada Muqdisho.
Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxa ka dhacay magaaladda muqdisho.

