Deg:Deg:-Kooxa Hubaysan oo Toogtay Muwaadin u dhashay Dalka Turkiga.

0

Wararka hadda nagasoo gaaraya Xaafadda Taleex oo ka mida xaafadaha Degmada Hodan ayaa sheegaya in Salaaddii Jimacaha ee Maanta markii lagasoo baxay ay ku dileen Muwaadin u dhashay Dalka Turkiga Kooxa hubaysan oo muwaadinkaan ku weeraray agagaarka Masjid ku yaalla Jaamacadda Soomaaliya oo sida la sheegay inta badan ay ku tukadaan muwaadiniinta turkida ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxaha Weerarka geystay oo watay gaari nuuca raaxda ah ay weeraka ku qaadeen ruuxaan xilli uu kasoo baxay Masjidka xilligaasi oo uusoo tukaday Salaadda Jimacaha.

Kooxaha Weerarka geystay ayaa risaas farabadan ku Furay ruuxan la sheegay inuu u dhashay dalka turkiga waxaana sidoo kale iyana rasaas kale ugu jawaabay ilaalo la socotay Turkida oo goobta kusugnaa ruuxa la weeraray ayaa dhaawac ahaan looga qaaday goobta iyadoona intaa kadib warar soo baxaya ay sheegayan inuu halkaa ku geeriyooday ruuxaas u dhashay dalka turkiga ee la weeraray.

Dhinaca Kale Kooxihii Weerarka Geystay ayaa goobta ka baxsaday iyadoona aan wali la garan waxa ay ahaayeen balse goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey inay wateen gaari nuuca raaxada ah.

Xiriirro kala duwan oo aan la wadna Masuuliyiinta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya iyo Waliba Maamulka Degmada Hodan iyo Wixii warkaan kusoo kordhaba dib kalasoco insha Allah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here