War ka soo baxay Midowga Yurup Gaar Ahaan Howlgalka Ay ku mideeysan yihiin Ladagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida ah Ayaa Waxa ay Sheegeen in ay sii Wadayaan Howlgaladooda Wadanka Somalia.
Warkan Qoraalka Ah Ayaa lagu Sheegay Ciidamadeena Howlgalka u jooga Biyaha Gacanka Cadmeed iyo Xeebaha Wadanka Somalia Waa ay Sii Wadi Doonaan Howlgalkooda Maalmaha Fasaxa Ah oo Dadka Aan Muslimiinta aheyn Ay u Dabaaldagaan Ciida Kirismiska.
Waxaa Qoraalkani Lagu Sheegay in Ay Ciidamadani Ay Si Gaar Ah u ilaalin Doonaan Maraakiibta Ay Leedahay Ha’ada Cuntada Aduunka oo Marka Magaceeda La soo Gaabiyo Loo Yaqaano WFB Taasi oo Raashin Gar Gaar Ah u soo dirta Wadanka Somalia Si Beey Yiraahdeen Loo ilaaliyo Amaanka Maraakiibtaasi.
Warkaan Ayaa sidoo kale Lagu Sheegay in ay hoos u dhacday Hadda Qatartii Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ah oo Maraakiibta Ka Afduuban Jiray Xeebaha Wadanka Somalia.
Maraakiib Dagaal oo ka socdo Wadamada Midowga Reer Yurup Ayaa Waxa ay ku suganyihiin Xeebaha Wadanka Somalia Si Ay Meesha uga Saaraan Kooxaha Shufto Badeedka Soomaalida Inkastoo Hadda ay u muuqdaan in Awoodii Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ah Laga Taqalusay.

