Maxey Isku Qabteen Ciidamadii Dowladda ee ku Dagaalamay Isgoyska Tarbuunka (Ogow Sababta)

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta ku dhax maray gudaha magaalada Muqdisho ciidamo katirsan kuwa Xasilinta iyo ciidamo ka amar qaata Imaaraadka Carabta.

Dadka deegaanka ayaa Simba u xaqiijiyay iney ciidamo kawada tirsan dowladda ku dagaalameen Isgoyska Tarbuunka, lakin aysan garan Karin khasaaraha kala gaaray labada ciidan ee dagaalamay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka, sido kale wararka qaar ayaa sheegaya wali iney ciidamadii ku dagaalamay aaga isbitaalka xooga ama Isgoyska Tarbuunka ay is hor fadhinayaan, lagana yaabo inuu mar kale dagaal dhax maro, maadama aysan jirin sarakiil katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo soo kala dhax gashay labada ciidan ee dirirtu dhax martay.

Goobjooge ka ag dhawaa halka ay ciidamada ku dagaalameen oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay inuu dagaalka yimid kadib markii ciidamo taabacsan Imaaraadka carabta ay u diideen inuu wadada maro ruux saarnaa mooto, kadib diidista loo diiday ruuxaasina ay keentay inuu wacdo ciidamo katirsan dowladda gaar ahaan kuwa xasilinta,kadib markii ciidamadaasi ay soo gaareen goobta muran kadib uu halkaasi ka dhashay iney labada ciidan ku dagaalamaan Isgoyska Tarbuunka ee magaalada muqdisho.

Xiriiro kala duwan oo idaacada Simba ay la sameysay maamulka degmada Hodan ayaa ka gaabsaday iney inooga war bixiyaan sababta keentay isku dhaca ciidama iyo iyo wadada tarbuunka oo wali xiran.

Xaaladaha hada marka loo eego sideedii hore waa ay ka yara degan tahay, balse waxaa lagu arkayaa goobahii ciidama ay ku dagaalameen oo aynan jirin gadiid maraya ciidamadana wali ay kala joogaan meelo aan sidaa u kala fogeyn, lakin ay socoto waan waan xaalada lagu dajinayo.

 Waxii Ku Soo Kordha Kala Soco WWW.SimbaNews.Com  

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here