Faah-faahin:-Sarkaal Ka Tirsanaa Dowladda oo Caawa Magaaladda Muqdisho Lagu Dilay

0

Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Macalin Nuur waxa ay ku dileen Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaliya.

Sarkaalka la dilay oo ka Tirsanaa Ciidamadda Malatariga Soomaliya ayaa lagu magacaabi jirey Maxamed Ciise Xasan waxaa lagu dilay meel aan sidaas uga fogeyn gurigiisa,isla goobta ayuu ku geeriyooday.

Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka xaafadda ragga hubeysan ayaa sarkaalka ka Toogtay qeybaha sare ee jirka, waxayana ka baxsadeen goobta ay dilka ka geysteen.

Dhanka kale Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa Xasilinta oo goobta gaaray ayaa caawa Howlgallo ka wada xaafado ka tirsan degmada Dharkeynley, waxayna ku raadjoogaan raggii dilka geystay oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Shabaab.

18-kii labo Habeen ka hor waxaa xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley gaar ahaan goobtiisa ganacsi lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Millitariga Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Yuusuf.

Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda dilka ka dhacay Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here