Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidamada xoogga dalka soomaaliya waxa ay ka fuliyeen guri ku yaala degmada Awdheegle halkaasi oo ay ku jireen Saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab.
Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdule oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen degmada Awdheegle lagu soo qabtay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay magacyada iyo Shaqooyinka ay u hayeen Saraakiisha Al-shabaab kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Cabdikariin Abuu Xamsa iyo Sheikh Muudey
Labada Sarkaal ayaa la sheegay in Al-shabaab ay u qaabilsanayeen shaqooyinka kala ah Maaliyada iyo Amniyaadka
Cabdikariin Abuu Xamsa ayaa Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyada Shabellaha hoose iyo Gobolka Banaadir sidoo kale Muudey ayaa ahaa Sarkaalkii Amniyaadka Al-shabaab ee fuliya dilalka qorsheysan
Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo loogu hadlaayo sheegashadda Dowladda Soomaliya.

