Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti oo hadal ka jeediyey Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ka wasaarad ahaan aysan ka warqabin Lacago Canshuuro lagu sheegay oo laga qaado Shacabka daggan Degmooyinka Gobolka Banadir.
Lacagtaasi Canshuurta lagu tilmaamay ee laga qaaddo shacabka ku nool Degmooyinka Gobolka Banaadir ayuu sheegay wasiirku in ay qaadaan gudoomiyayaasha degmooyinka islamarkaana wasaaradduna aysan shaqa ku lahayn.
Wasiirka ayaa sheegay in Canshuuraha ay qaaddo Wasaaraddu ay yihiin kuwa Sharciyeysan oo aan qarsooneyn balse aysan wasaaraddu shaqa ku lahayn middaan laga qaado guryaha ay dagganyihiin dadka rayidka ah ee ku yaalla caasimadda Muqdisho,Waxaana uu inta ku daray in loo baahanyahay in shacabka qudhoodu ay ogaadaan cidda ay lacagaha u dhiibayaan.
Mr Fargeeti Wasiirka Maaliyadda dalka isagoo sii hadlaya waxaa uu sheegay in sidoo kale Gobolka banadir ay joogaan hay’ado gaar ah oo uusan garanayn cidda ay sida rasmiga u hoostagaan kuwaasi oo Lacago ka qaadaan dadka Magaalada ku nool.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Wasaaraddu ay dhawaan soo saaridoonto sharci lagu joojinaayo lacagaha canshuuraha lagu sheego ee waddooyinka looga qaado dadka taasi oo uu tilmaamay in nidaam ahaan ay tahay arin qaldan.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya dadka ku nool ayaa maalmihii dambe waxaa ay ka cabanayeen dad iyagu markaasi ka qaadaya ka qaada Lacago farabadan oo ay ku sheegeen canshuur oo ay u sheegayaan dadka in ay ka socdaan wasaaradda Maaliyadda iyo Maamulka Degmada.
Halkaan ka dhageyso Codka Wasiirka.

