Dhageyso:-Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Sannadka ay ka maarmayso Ciidamada Shisheeye ee ku Sugan Soomaaliya.

0

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sh.Maxamud ayaa sheegay in Sannadkan Maanta bilaabanaya ee 2016-ka ay ammaanka guud ee dalka ay la wareegayaan Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya  si ammaanka dalku uu uga madaxbanaanaado ilaalinta Ciidamo shisheeye.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya in ay xil iska saaraan sidii ay u noqon lahaayeen kuwa markaasi iyagu hanta ammaanka guud ee dalka Soomaaliya islamarkaana soomaalidu ay u noqdaan dad iyagu wax qabsan kara sida madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud uu yiri.

‘Sannadka 2016-ka Waa Sannadki aan si rasmi ah ula wareegi lahayn ammaanka guud ee dalka,waa inaan masuuliyad Xooggan iska Saarnaa   xasiloonida dalka si aan uga maaranno gacmo wax u qabasho shisheeye” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dalka  Soomaaliya ayaa Waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo shisheeye oo ah kana socda wadamada qaaradda Afrika qaarkood kuwaasi oo la sheegay in ay soomaaliya u joogaan nabad ilaalin islamarkaana Ciidanka dowladda ay ka saacidayaan ilaalinta iyo xaqiijinta Ammaanka guud ee dalka.

Halkaan Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here