Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta meel mariyay Miisanaiyadda Qaranka ee sanadka 2016-ka kadib markii ay maanta magaalada Muqdisho ay ku yeeshteen kulankooda caadiga ahaa,
Miisaniyadda dowladda oo maanta barlamanaku ansixiyay oo ah 246 Milyan oo Dollarka Maraykan ah ayaa waxaa qeyb ka ah qarasha lagu bixinayo mushaaradka ka maqan shaqalaha dowladda iyo ciidaamada xoogga dalka soomaliyeed.
Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaliya Maxamed Ibraahin Fargeeti oo kulanka Baarlamanka Soomaliya ka Hadlay ayaa sheegay in anxisanta misaniyadda dowladda ee Sanadka 2016-ka ay ku xiran tahay in Soomaaliya laga cafiyo daymo lagu lahaa.
Ugu Dambeyntii Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee barlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalle Cawad oo kulanka barlamanka shir guddoominayey ayaa ku dhawaaqay natiijada codka lagu meelmariyey miisaniyadda dowladda ee sanadka 2016-ka.

