Wararka laga helayo Magaaladda Boosaaso ayaa ku waramaya in Doon siday shixnad kala duwan in ay ku bas beeshay meel u dhow Dekedda Magaaladaas.
Doontaan oo magaceeda lagu sheegay Nuur Saabir ayaa taagnayd meel aan ka fogayn dekedda iyadoo waqtigaas qorshaynaysay inay kusoo xirato dekedda magaalada Boosaaso.
Dabka qabsaday ayaa wax faah faahin ah laga heli karin, balse waxaa loo badinayaa inuu yahay wax doonta dhexdeeda ka qarxay.
Majirto cid katirsan Maamulka Puntland iyo ganacsatada gobolka Bari oo gurmad u samaysay doontaas.
Sawirro laga soo qaaday nawaaxiga dekedda Boosaaso ayaa muujinaya Qiiq iyo Uuro isku shareeray cirka.
Maaha markii ugu horaysay oo Doon dab ku qabsado meel u dhow dekedda magaalada Boosaaso.





