Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah waftiga uu hoggaaminaayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee ku sugan Imaaradka Carabta ayaa waxa uu ka war-bixiyey kulamadii ay waftigaasi la yeesheen madaxda dalka Imaaradka.
Waxa uu sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay aqbashay Passport-ka Somaliland,balse ay ku xirtay shuruuda ah in Passport-ka Somaliland uu noqdo nooca loo yaqaano Electronic Passport.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay xafiis ka furan doonto Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somali-land isla markaana xoolaha nool loo soo dhoofin doono.
Mudada uu socda qorshaha Somaliland baasaaboorkeeda ku casriyeynayso waxaa dalka imaraatka lagu tagidoonaa kan hada la isticmaalo sida uu sheegay Faysal Cali Waraabe.

