Shan Carruur ah Iyo Hooyadood oo Ku Dhintey Dab Ka Kacay Magaaladda Muqdisho

0

Inta la xaqiijiyay Shan carruur ahaa,hooyadood iyo qof marti u ahayd ayaa ku dhintey Dab xalay ka kacay guri ku yaala degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dabkaan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay aabihii qoyska  oo lagu magacaabo Axmed Cali kaasi oo isku dayayay in uu hooyada soo badbaadiyo iyadana ay iskudayeysay in ay Carruurta soo badbadiso sidaasna ay ku geeriyootay.

Lama Oga waxa sababay dabkaan xalay ka kacay guri ku yaala Degmadda Yaaqshid ee Gobolka banaadir.

Guriga uu dabka kacay waxaa u gurmaday  dadkii deriska la ahaa qoyska.

Sidoo kale waxaa ka qeybgalay deminta dabka khasaaraha Nafeed geystay gaadiidka dabdemiska ah ee maamulka gobolka Banaadir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here