Waa Maxay Sababaha Ciidamadda Ugu Soo Baxaan Saldhigyada Laga Qabsado Al-shabaab?

0

Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ka hadashay sababaha ay Ciidamadda Dowladda Soomaliya ay ugu soo baxaan goobaha ay kala wareegaan dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa sheegay in Ciidanka uusan marka horeba ahayn in ay degaan qabsadaan ee ay ka hortagaan waxa uu ku sheegay meelaha ay isku urursanayaan  dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ama ay ku diyaarinayaan qaraxyada .

Waxa uu sheegay wasiir Mursal in aanay sax ahayn in Ciidamada Dowladda Soomaliya ay ka baxaan goobaha ay ku talagalaan in ay ka qabsadaan Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamadda Dowladda Soomaliya ay isku diyaarinayaan sidii ay amniga dalka kala wareegi lahaayeen Ciidamadda Midowga Afrika Amisom.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here