Beesha Caalamka oo Si Kulul Ugu Hadashay Khilaafkii Golaha Shacabka iyo Xukuumadda!

0

Beesha caalamka ayaa si kulul ugu hadshay khilaafkii ugu dambeeyay ee soo kala dhax galay Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale hogaamiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Qaramada midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Ethiopia, Talyaaniga, Sweden, Brighton iyo dowladda mareykanka waxa ay walaac ka muujinayaan ismaan dhaafka siyaasadeed ee soo kala dhax galay madaxda dowladda Soomaaliya, ayagoona ka digay in khilaafkaasi uu saameyn wayn ku yeelan karo, dhaqaalaha, amaanka iyo sumcada Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale ka dalbatay madaxda dowladda Soomaaliya in ay xushmeeyaan shuruucda iyo xeerarka dowladnimo ayagoona ugu baaqay in wixii khilaaf ah ay ku xaliyaan dastuurka u dagsan dowladda faderalka Soomaaliya.

Baaqa beesha caalamka ayaa ku soo aadayaa waqti uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhaxeeyo baarlaamaanka soomaaliya, ayadoona gudoomiyaha baarlamaanka Jawaari uu ku eedeeyay in Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre uu soo tubay ciidamado xafiiskiisa ka amar qaato golaha shacabka soomaaliyeed asagoona u jeedka arintaasi ku sheegay in la burburiyo golaha shacabka soomaaliyeed.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here