Faah-faahin:- Sarkaal Lagu Dilay Boosaaso Iyo Qaraxyo Ka Dhacay Magaaladaasi

0

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, kuwaa oo lala bartimaameed saday ciidamo katirsan daraawiisha maamulka Puntland.

Dadka deegaanka ayaa sheegay iney xalay magaalada boosaaso ka maqleen qaraxyo nuuca loo yaqaan bambooyinka gacanta ee meelaha fog fog laga tuuro.

Laamaha amniga Puntland oo xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ayaa faah faahin ka bixiyay sida wax ay u dhaceen, inkasto ay ka gaab sadeen iney ka hadlaan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarada ka dhacay magaalada Boosaaso sida ay baahisay Idaacadda ku hadasha afka dagaalamayaasha Al-shabaab ee Soomaaliya.

“Qaraxyada ka dhacay saldhiga Booliska ee agagaarka dekadd Boosaaso, waxaa lagu dilay Labo askari laguna dhaawacay Labo kale kuwaasi oo gabi ahaantooda ciidamadii saldhiga la weeraray joogay”

Dhanka kale waxaa magaalada dil loogu geystay saraal katirsanaa ciidama daraawiishta Puntland.

Weerara qaraxyada ah ayaa kusoo beegmaya xili shalay sidaas oo kale gudaha magaalada boosaaso, lagu dilay Gaase Dheere oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada maamul gobleedka Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here