Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xalay waqti dambe Kormeer amni ku tagay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.
Kormaarka Ra’iisul Wasaaraha sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Qaar ka tirsan Guddoomiyeryaasha Degmooyinka oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha degmada Hilliwaa iyo Saraakiil kale oo Ciidan, kuwaa oo xalay abaaro 12:00 gaaray gudaha degmadaasi.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow ayaa kusoo beegmeysa xili isbuucan gudahiisa sidaan oo kale gudoomiye yariisow uu kormeer ku tagay xili habeen barkii qaar kamid ah wadooyinka waaweyn ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Halka Hoose ka Daawo Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Guddomiyaha Gobolka Banadir








