Faah-faahin:- Dagaal ka Dhacay Duleedka Deegaanka Boocame

0

Barqadii maanta waxaa dagaal goos goos ah uu ku dhex-maray deegaanka boocame ee gobolka Sool maleeshiyaad kala taabacsan maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Wararka ka imaanaya gobalka sool ayaa sheegaya iney jiraan khasaare dhimasha iyo dhaawac ah oo ka dhashay iska hor imaadka labada maleeshiyo ku dhax maray deegaanka boocame ee gobalka Sool.

Dadka deegaanka oo xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ayaa inoo xaqiijiyay inuu jiro dagaalkaasi, balse aysan ogaan Karin waxyeelada soo kala gaartay labada maleeshiyo ee ay dirirtu dhax martay.

Saraakiisha ciidamada maamulada Soomaaliland iyo Puntland oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay iney jiraan maleeshiyaad ku dagaalamay duleedka deegaanka Boocame ee  gobalka Sool, balse waxuu midba midka kale ku eedeeyay inuu ka danbeeyay dagaalka maanta ka dhacay degaanada gobalka Sool.

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan dagaalka ayaa ku waramaya iney xiisada wali kacsan tahay, labada maleeshiyana ay wali isku hor fadhiyaan duleedka deegaanka boocame ee gobalka Sool.

Wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan iney jiri karto waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada iyo degmooyinka Sool.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here