Laba hay’ad oo katirsan Qaramada midoobay iyo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa iska kaa shanayo sidii looga talaali lahaa cudurka Jadeecada 4.7m oo caruur ah kuwaas oo da’doodu u dhaxayso 6 bilood illaa iyo 10 sano.
Ololahan ka dhanka ah cudurka Jadeecada ayaa waxaa si wadajir ah u fulinayo Hay’adda caafimaadka aduunka (WHO), hay’adda Qaramada midoobe u qaabilsan dhalaanka caruurta ee (UNICEF) iyo madax ka socota wasaaradda caafimaadka,.
Ujeedada ololahan ayaana ah sidii loo badbaadin lahaa nolosha malaayiin ruux oo halis ugu jira in ay u geeriyoodaan jirada jadeecada.
Ghulam Popal, oo ah u qaabilsanaha hay’adda WHO dhanka soomaaliya ayaa sheegay in ay kor usii qaadi doonaan Ololaha ka dhanka ah Jadeecad si ay u badbaadiyaan nolosha caruur farabdan.
Inkabadan 2,800 ruux oo ay soo ridatay jirada jadeecada ayaa laga diiwaan galiyay gobolada Baay, Banaadir iyo Mudug.
Qaramada Midoobe laamaheeda u qaabilsan dhanka caafimaadka ayaa dhawr jeer balanqaaday in ay wax muuqdo ka qaban doonaan xaaladaha cafimaad daro ee haysta kumanaan ruux oo soomaali ah.

