Guuldaro Siyaasadeed oo Lagu Tilmaamay Go’aankii Baarlamaanka DPWorld+Dhageyso

0

Caaqil C/raxmaan Xeyle oo ah aqoonyahan ka faalooda arimaha siyaasada Soomaaliya oo wareysi siiyay barnaamijka bartilmaameedka ee ka baxa idaacada Simba ayaa guul daro siyaasadeed ku tilmaamay go’aankii shalay ee baarlamaanka Soomaaliya ay waxba kama jiraanka kaga dhigeen heshiiskii shirkadda DP World ay la gashay maamulka Soomaaliland.

Xeyle ayaa sheegay in Soomaaliland ay tahay 30 kii sanadood ee lasoo dhaafay  meel xasilooni iyo daganaasho amni iyo mid siyaasadeed  ay ka jirto loona baahanyahay in lagu taageero hadii ay wax qabsanayaan horomar kasto ay ku hadaaqayaan

Aqoonyahanka ayaa ku taliyay in aan la sii murjinin xaalada oo aan la sii fogeynin walaalaha oo gocashada muujinaya wuxuuna saadaaliyay hadii aan xal laga gaarin xiisadahan siyaasadeed ee soo kordhay inay  ragaadin karaan wada hadalada aan qaan gaarka aheyn ee koonfurta iyo Waqooyiga ka dhaxeeya.

Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore sharci darro ku tilmaantay heshiiska dekadda Berbera ee u dhaxeeya Somaliland iyo shirkadda DP World. Balse Somaliland iyo DP World ayaa difaacay heshiisaasi, iyadoo agaasimaha shirkaddaasi uu sheegay in Somaliland ay madaxbanaaneyd muddo 28 sano ah wuxuuna intaasi ku daray in dowladda federaalka aysan saameyn ku yeelan karin dhaqangalka heshiiskan

Somaliland ayaa sheegtay inay ka madaxbanaan tahay Soomaaliya, sidaas darteedna ay dowladda fadaraalka aysan awood u lahayn ka hadalka heshiiskan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here