Al-shabaab oo Sheegay In Ay Dileen Ciidamo Ka Tirsanaa Kuwa Imaaraadka Carabta

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo dhulka lagu aasay oo ka dhacay deegaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxaan Miino ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka Soomaliya gaar ahaan kuwa ay Tababareen Imaaraadka Carabta.

Warbaahinta Xarakadda Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya,islamarkaana khasaaro lagu gaarsiiyay.

Shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa lagu dilay 6-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowlada Soomaliya gaar ahaan kuwa ay tababartay Dowlada Imaaraadka Carabta.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here