Gudoomiyaha Maamulka Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool Maxamed Macalin oo la hadlay Radio Simba ayaa sheegay in degmadaas ay kulamo looga hadlayo waxyaabo kala duwan ay kula leeyihiin Wafdi Xildhibaanno ah oo ka tisan baarlamaanka Soomaaliya oo shalay gaaray degmadaasi
Waxaa uu sheegay Maxamed Macalin in Xildhibaanadan ay yihiin kuwa kasoo jeeda Gobolka Bakool islamrkaana ay u tageen Degmada arimo la xariira xasiloonida Gobolkaasi waxyaabo bandanna ay iskusoo hadal qaadayaan sida kala qeybsiga Gobolka Bakool oo hadda u muuqda mid kala qeybsamay kadib Markii dhawaan looga dhawaaqay Maamul ka madaxbanaan Koonfurgalbeed oo isagu ka arimiya Magaalooyinka gobolkaasi.
Xildhibaanadan ayaa wararku waxa ay sheegayaan in yihiin Xildhibaanada kasoo jeeda gobolkaasi kuwaasi oo dhaliilsan Maamulka laga dhisaay Gobolka Bakool degmooyin ka mida islamarkaana ay doonayaan in ay meesha ka saaraan sii hanaqaadidda Maamulkaasi.
Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno kasoo jeeda Gobolka Bakool ayaa Maalmihii dambe waxaa ay sheegayeen in ay dhisayaa maamul ka madaxbanaan maamulka koonfurgalbeed Soomaaliyan oo ka arimiyaa Gobolkaasi iyo Gobollo kale.

