Maamulka Ahlu-sunna oo baadigoobaya Gaari Ambalaas ah oo lagu Afduubtay Duleedka Dhuusa-Mareeb.

0

Xilli Shalay Xarakada Al-shabaab Ciidamo ka tirsan ay sida la sheegay Afduubteen Gaari nuua Ambalaasta ah oo laga lahaa Isbitaalka Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa arinkaasi ka hadlay Masuuliyiinta Maamulka Ahlusunna ee gobolada dhexe.

Mursal Maxamed Xeefoow oo ah Afhayeenka Maamulka ahlusunna oo la hadlay Radio Simba Muqdisho ayaa sheegay in hadda maamulku uu baadigoobayo halka ay shabaabku la aadeen gaariga ay wateen,islamarkaana ka maamul ahaan ay dadaal u galayaan sidii ay gacanta ugusoo dhigilahaayeen gaarigaas.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray hadalkiisa in sidoo kale ay qorshaynayan in arintaan iyo siday u dhacday ay kala hadlidoon Maamulka isbitaalka magaalada Dhuusa-mareeb kadibna maamulku uu qaadayo siduu hadalka u yiri tallaabo ay ku ciqaabayaan ciddii ka dambeysay weerarka lagu afduubay gaarigaasi oo uu sheegay inuu ahaa mid markaasi loogu adeegayo dadka shacabka ah eek u nool magaaladaasi.

Shalay ayaa waxaala sheegay in ciidamo ka tirsan Alshabaab ay ka afduubteen duleedka dhuusa-mareeb gaari Ambalaas ah oo ku wajahnaa magaalada dhuusa-mareeb iyadoona aan la ogeyn halka gaarigii ay la aadeen Shabaabku.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here