Howlgal Balaaran oo Caawa ka Socda Gudaha Degmada Hodon

1

Wararka caawa naga soo gaaraya Gudaha degmada Hodon ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in ciidamada dowlada soomaliya gaar ahaan Kuwa Nabad Sugida ay howlgal balaaran ay ka wadaan Gudaha degmadaas,

Ciidamo aad u Fara badan ayaa caawa Lagu arkayaa Gudaha degmada Hodon ee Gobolka Banaadir kuwasoo baaritaano ku sameynaya Guryaha ku yaala degmada Hodon iyo gadiidka maraya wadooyyinka degmada Hodon,

Wasiirka amniga Gudaha dowlada soomaliya C/risaaq cumar Maxamed oo wabaahinta la Hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowlada soomaliya gaar ahaan kuwa Nabad sugida ay caawa howlgal balaaran ay ka sameeyeen Masaajid ku yaala degmada Hodon iyagoona kusoo qabtay Hub iyo lacago uu sheegay inla doonayay in lagu qal qal galiyo amaanka Magaalada Muqdisho.

 

1 YORUM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here