Xildhibaan Faarax Sheekh Cismaan Cabdi oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii xildhibaano kadib markii uu shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho.
Mudane Faarax Sheekh Cismaan Cabdi ayaa Tilmaamay in beeshiisa la siin waayay Saamigii ay ku lahaayeen Maamulka Koonfur Galbeed. Soomaliya isagoona sidoo kale sheegay in ay kalsoonida kala laabteen Maamulka koonfur Galbeed soomaliya uu Hogaamiyo Madaxweyne shariif Xasan sheikh aadan,
Shalay ayay aheyd markii Magaalada Baydhabo lagu dhaariyay Tiro xildhibaano ah oo kamid Noqonaya xildhibaanada baarlamanka Maamulka Koonfur Galbee soomaliya. waana xildhibaankii ugu horeeyay ee ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka xildhibaano ee maamulka Koonfur Galbeed soomaliya,

