Deg Deg :- Madaafiic Lagu Weeraray Magaalada Muqdisho

0

Waxaa goordhawmagaalada muqdisho qeybo kamid ah laga maqlay daryanka madaafiic kusoo dhaceysay xaafada qaar ee degmooyinka gobalka banaadir.

Jugta madaafiicdaasi ayaa si aad ah waxaa looga maqlayay inta badan degmooyinka gobalka banaadir.

Goobjoogayaal ayaa Simba u sheegay iney maqlayeen dhowr madfac oo qaarkood ku dhacayay Garoonka Ciyaaraha Isbartiibo iyo agagaarka Xarun ay Ciidamo Nabadsugida, ku leeyihiin Isgoyska Baar ayaan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ee ka dhashay madaafiicdaasi, xiriiro simba ay lasameysay saraakiisha ciidama ee degmada Yaaqshid ayaa ka gaabsaday iney ka hadlan madaafiicdaasi.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi madaafiicda

Waxii Kusoo Kordho kala Soco WWW.SimbaNews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here