Al-shabaab Oo Soo Bandhigtay Tiro Hogaamiyaal Looga Dilay Soomaaliya “Daawo Sawirrada”

0

Mu’asasada Alkata’ib oo ah garabka warbaahineed ee Al-Shababa ayaa faafisay qeybta Shanaad ee silsiladda البیع ربح oo lagusoo bandhigo hoggaamiyaasha kaga geeriyooda dagaalka ay kula jiraan dowladda soomaaliya ciidama gaarka mareykanka iyo askarta midowga afrika ee Amisom.

Filimkan hoggaamiyaasha lagusoo bandhigayo waxaa kamid ah Sheekh Xudeyfa oo ahaa hoggaamiyihii hore ee Jubbooyinka oo sanaddii lasoo dhaafay ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha dalka mareykanka ay ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya sidoo kale waxaa kamid ah hoggaamiyaasha ay soo bandhigeen.

  • Sheekh Max’med Maxamuud Cali “Dulyadeyn”
  • 1: Jibriil Al Ansaari
  • 2:Cabdikariin Suldaan Al Ansaari
  • 3:Maxamed Xasan Xuseyn Al Ansaari
  • 4:Sheikh Cabdiraxmaan Abuu Xudeyfah

Hogaamiyaashaan ayaa iskugu jiray Tababarayaal Dagaal galiyaal kuwa gobalo ugu magacawnaa hogaanka Xarakada Al-shabaab  kuwa dhanka dacwada iyo baraarujinta u qaabilsanaa ciidamada iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobalada dalka.

Halkan hoose ka Daawo Sawirada Hogaamiyaasha Al-shabaab Ay Soo Bandhigeen

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here